Guddiga doorashooyinka madaxtnimada ee dalka Joorjiya ayaa ku dhawaaqay, in doorashadii ka dhacday dalkaasi uu ku guuleystay xisbiga talada haya, mucaaradkana aaney wax guul ah xaqiijinin.
Xisbiga talada haya ayaa helay 54% codadka guud ee dadka ka qeybgalay doorashada, halka mucaaradkana ay heleen codad dhan 37%, xilli la tiriyay 99% codadka guud.
Xisbiga talada haya ee doorashada ku guuleystay ayaa taabacsan oo xiriir dhow la leh Ruushka, halka mucaaradkuna taageersanyihiin oo ay xulafo la yihiin midowga Yurub.
Waxaa soo baxeysa kalsooni darro la xiriirta qaabka loo tiriyay codadka, iyadoo ay mucaaradku codsadeen in la sameeyo baaritaanno lagu ogaanayo inuu jiro isdaba marin lagu sameeyay doorashada.
In xisbiga talada haya ee dalka joorjiya uu helo kuraasta ugu badan ee baarlamaanka dalkaasi, waxay ka dhigantahay in afarta sano ee soo socota uu sii maamuli doono dalka Jooriya.
Mucaaradka dalka Joorjiya ayaa ku eedeeyay dowladda Ruushka iney ka dambeyso isdabamarin lagu sameeyay doorashooyinka, iyadoo xukuumadda Moskow dooneyso in xulafadeeda aan marnaba talada laga qaadin.