HomeAll newsMuuse Biixi oo War Cusub ka Sheegay Is-afgaradkii Itoobiya iyo Dagaalkii Laascaanood.

Muuse Biixi oo War Cusub ka Sheegay Is-afgaradkii Itoobiya iyo Dagaalkii Laascaanood.

Madaxweynaha maamulka la baxay Soomaaliland ayaa xasuuqii ay ciidankiisu ka geysteen magaalada Laascaanood ku tilmaamay wax iska caadi ah, isagoo dhanka kale qiray inuu hakad galay heshiiskii ay la galeen Itoobiya.

Isgoo wareysi siinayay warbaahinta Ingariiska ayuu Muuse Biixi oo ah madaxweynaha maamulka la baxay Soomaaliland ka hadlay, duullaankii ay ku qaadeen magaalada Laascaanood, kaas oo ay ciidankiisu ku xasuuqeen dad rayid ah.

Waxa uu ku jees jeesay dhiiga dadka shacabka ah ee ay daadiyeen ciidankiisa, kaasoo uu ku tilmaamay wax iska caadi ah, adduunka oo dhanna ay dagaalladu ka socdaan oo aysan ku koobneen Laascaanood, iminkana ay qadiyadeeda uga muhiimsan tahay doorashooyinka.

Mar wax laga weydiiyay heshiiskii Xaaraanta ahaa ee ay la galeen dowladda Xabashida Itoobiya, ayuu Muuse qiray in uu hakad galay heshiiskaas, sababo ku aaddan kacdoonnadii dhinacyada kala duwan lahaa ee uu sababay is afgaradka ay la galeen Itoobiya.

Xasan Sheekh ayuu sheegay in dhul uusan xukumin uu doonayo in wax laga weydiiyo, taasna ay tahay mid khalad ah, waxa kaliyana ay isku hayaan ay tahay inuu isagu bixiyo Badda Soomaaliya.

Halkan kala deg

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular