Shabakadda Masar ee Xuqooqda Aadanaha, ayaa sheegtay in si lama filaan ah uu u dhintay muwaadin Masaari ah, xilli uu kasoo baxayay xarun amni oo ku taalla magaalada Al-iskandariyah.
Ninka geeriyooday ayaa lagu magacaabaa Axmed Cabdalla, wuxuuna ahaa maxbuus hore ugu xirnaan jiray xabsiyada dalka Masar, waxaana illaa iyo hadda lagu wareersanyahay geeridiisa lama filaanka ah.
Xarun amni oo ku taalla magaalada Al-iskandariyah ayaa looga yeeray Axmed Cabdalla, markii uu kasoo baxeyna waxaa uu kudhintay meel aan sidaasi uga fogeyn goobtii uu kasoo baxay.
Waxaa la muujinayaa suurtogalnimada inuu gudaha xaruna sirdoonka Masar ay ku leeyihiin Al-Iskandariyah kula soo kulmay tacdiib iyo jirdil, taasoo keeni karta geerida naxdinta leh ee lama filaanka ah.
Masar ayaa kamid ah dalalka ugu adag ee lagu dhibaateeyo shucuubta dulman ee Muslimiinta, waxaana talada dalkaasi gacanta ku hayo Cabdil Fataax As-Siisi.