Waxaa gobolka California lagu qabtay muwaaadin Ameerikaan ah, oo watay hub kala duwan, kaasoo ku dhawaa goob uu ka khudbeynayay madaxweynihii hore ee Maraykanka, ahna musharax u taagan xilka madaxtnimada dalkaas oo ah Donald Trump.
Ciidamada ammaanka gobolka California ayaa gacanta ku dhigay nin 49 sano jir ah, oo ku hubeysnaa qori boobaha, islamarkaana watay rasaas badan oo keyd ah, xilli uu doonayay inuu u gudbo xarunta Donald Trump ka wado ololihiisa doorashada ee gobolka California.
Saraakiisha ammaanka ee gobolka ayaa sheegay in ninka la qabtay lagu magacaabo Miller, hubka uu siteyna uu ahaa mid uu si sharci darro ah ku qaatay, illaa iyo hadana la xaqiijin karin ujeedadiisa rasmiga ah.
Booliiska gobolka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney suuragal tahay in isku day kale oo lagu doonayay in lagu khaarijiyo Trump, lagu fashiliyo gacan ku dhigista qofkan hubeysan.
Ninka la qabtay ayaa sheegay inuu kamid yahay taageeriyaasha Donald Trump, kooxda ammaanka ee goobta uu Trump ku sugnaana ku wargeliyo inuu halkaas imaan doono isagoo hubeysan.
Donald Trump ayaa la kulmay bilihii lasoo dhaafay isku dayo dil oo dhowr ah, inkastoo dadka qaar ay sheegayaan iney yihiin waxba kama jiraan uu ku raadsanayo taageeriyaal horleh, ayna sheegashada dil ka badbaadista kamid tahay ololaha doorashada.