HomeAll newsNusratul Islaam oo Fulisay Weeraro Lagu Dhiig-bixiyay Ciidamada Maali iyo Fagnar.

Nusratul Islaam oo Fulisay Weeraro Lagu Dhiig-bixiyay Ciidamada Maali iyo Fagnar.

Ciidamada Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul-Islaami Wal-Muslimiin ayaa  maalintii shalay Kamiin udhigay, kolonyo katirsan askarta Maalin oo ku socdaalyay inta udhaxeysa deegaanada Saana iyo Waan ee katirsan wilaayada Saaqoo.

Weerarkan dhabbagal ah ayaa ciidanka Maali looga dilay 2 askari hubna waa laga furtay.

Dhinaca kale labo qarax oo darraad ka dhacay duleedka magaalada Kiidaal ee dalka Maali ayey Mujaahidiinta jamaacadu la beegsadeen, kolonyo isugujirtay askarta Maali iyo Malleeshiyaadka Calooshood-ushaqeystayaasha Fagner.

Qaraxyadaasi waxay haleelee labo gaari kamid ah koloyada, kuwaasoo gabi ahaanba buburyay, waxanaa ku dhintay dhamaan askartii saarneyd.

Dhanka kale weerar xooggan oo ay dhawaan ciidamo katirsan Mujaahidiinta Nusratul-Islaami Wal-Muslimiin ka fuliyeen magaalada beer ee dalk Maali ayaa waxaa kasoo baxaya, tafaasiil ku aaddan khasaaraha hordhaca ah ee ka dhashay weerarkan lala beegsaday saldhig ay si wadajir ah ugu sugnaayeen askarta Maali iyo malleeshiyaadka Fagner.

Mujaahidiinta jamaacada waxay sheegeen iney weerarkan ku dileen 16 askari halka ay ku dhaawaceen 26 kale.

Dhinaca kale waxay sheegeen iney dhankooda ka shahiideen 5 Mujaahidiina oo uu ku jiro hogaamiyihii sariyada  Al-Qudus Juleybiib Al-Ansaari.

Sido kale waxay sheegeen in weeraro madaafiic ah oo ay dhawaan ka geysteen garoomo millatari oo ku yaalla Tambakto iyo  Gaaw ay ka dhasheen khasaare nafeed iyo mid hantiyeed, islamrkaana ay ku dhaawacmeen 5 kamid ah malleeshiyaadka Fagner oo midkood dhaawaciisu culusyahay.

Geesta kale, Jamaacada Nusratul-Islaami Wal-Muslimiin ayaa iska beriyeelay weerar duqeyn oo lala beegsaday Gaari ay leeyihii dad shacab ah oo marayay deegaan dhaca meel 92KM ujirta magaalada Biir ee katirsan dalka Maali.

Mujaahidiinta Jamaacadu waxay sheegeen in weerarkan dhanka cirka ah ee lalabeegsaday rayadka ay ka dambeysay dowladda Maali, islamrkaana ay fulisay diyaarad Drone oo ay leedahay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular