Mu’assasada warbaahineed ee Az-Zallaaqa ayaa faafisay bayaanaad dhowr ah, oo ay ku faafaahineyso weeraro kala duwan oo ay ciidamada Nusratul Islaam wal Muslimiin ka geysteen dalalka Maali, Niger iyo Burkina Faso.
Maali, ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam wal Muslimiin waxay weerar culus ku qaadeen, bar kontorool oo ay ciidamada Maali ku lahaayeen magaalada Joora ee gobolka Mobti.
Weerarka ayaa dhaliyay in si buuxda ay barta kontorool ula wareegaan Mujaahidiinta, waxaana ay dagaalka kusoo furteen saanado hub ah, oo ay kujiraan gawaarida dagaalka ee ay qoriyaasha lidka diyaaradaha ah ku rakibanyihiin.
Dhanka Burkina Faso, ciidamada Nusratul Islaam wal Muslimiin waxay weerareen, saldhig milliteri oo ay ciidamada Burkina Faso kuleeyihiin deegaan lagu magacaabo Waada, oo hoostaga gobolka Tanku-Duugo.
Weerarka waxaa lagu dilay hal askari, iyadoo lagu soo furtay hub iyo gaadiid kala duwan, waxaana kamid ah 12 mooto, halka lagu gubay 5 mooto oo kale.
Niger, ciidamada Nusratul Islaam wal Muslimiin waxay weerar culus ku qaadeen saldhig ciidamada Niger ku lahaayeen, deegaanka Asmaqa ee gobolka Agaadiiz.
Weerarka waxaa lagu dilay ugu yaraan 7 askari, halka lagu gubay 3 gaari oo kuwa dagaalka ah, waxaana intaa dheer hub kala duwan oo ay soo furteen ciidamada Nusratul Islaam wal Muslimiin.