Ciidamada Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaami Wal-Muslimiin ayaa maalimihii lasoo dhaafay fuliyay weeraro oo ay ku beegsadeen, saldhigyo ciidan oo ay leeyihiin askarta xukuumadaha Maali, Burkiinafaaso iyo calooshood-ushaqeystasha Fagner.
Haddii aanu ku bilowno weerarka ugu horeeya, maalintii Sabtida oo ay taariikhdu ku beegneyd 02-04 ee Sannadka 1446-da, Mujaahiinta Nusratul-Islaam Wal-Muslimiin ayaa dagaal kala hortegay, ciidamo katirsan kuwa Burkiinafaaso oo duulaan kusoo ahaa Mujaahidiinta Jamaacada, wuxuuna dagaalkan si gaar ah kaga dhacay Jaka aiyo Babaaqo oo katirsan wilaayada Fadanqarooma.
Weerarkaasi waxaa ciidanka Burkiinafaasno kasoo gaaray khasaare lixaadleh oo isugu jira naf iyo maal.
Mujaahidiinta Jamaacadu waxay sheegeen iney ku dileen 10 askari dagaalka halkaasi ka dhacay, halka ay kusoo furteen hub isugu jira kuwa culus iyo kuwa fudud, oo ay wehliyaan agabyo kale.
Sido kale ciidanka Nusratul-Islaam waxay isla maalinkii xigay kala wareegeen askarta Burkiinafaaso, xarun ciidanka oo ku taalla Maanto oo katirsan isla wilaayada dagaalku ka dhacay.
Dhinaca kale waxay ciidanka Mujaahidiinta ee Nusratul-Islaam Wal-Muslimiin madaafiic ku garaaceen, garoomo ciidan oo ay deganyihiin ciidanka Maali iyo malleeshiyaadka Fagner, kuwaasoo ku yaalla magaalooyinka Tambakto iyo Gaw.
Duqeymahan ay fuliyeen Mujaahidiinta Jamaacada, ayaa dhacay taariikhdu markii ay ahayd 3- Bishan Rabiicul-Awwal 1446 oo ku beegneyd 6-dii Oktobar.
Weerarkii ugu culsnaa oo ay ku jireen nafhurnimo ah, waxay Mujaahidiinta Nusratul-Islaam Wal-Muslimiin fuliyeen isla 3-dii Rabiicul-Awwal, waxay ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla magaalada Biir ee dalka Maali.
Saldhig ciidan oo ay siwadajir ah udeganaayeen ciidanka Maali iyo malleeshiyaadka Fager, ayey Mujaahidiintu ku qaadeen weerar daahfur uga dhigeen, duqeyn laga tuuray qoriga hoobiya, kadibna sedax wiil oo ukala dhashay qabiillada Dhawaarida iyo Fulaana, ayaa saldhig ku weeraray camaliyaad nafhurnimo ah.
Wiilkan weerarada nafhurnimada ah fuliyay ayaa lagu kala magacaabjiray, Idriis AD-Daariqii, Jalaalu-Diin AD-Daariqii iyo Abu Cumar Al-Fulaani.