HomeAll newsOday Taabacsan Dowladda Fedaraalka oo ka Cabanaya Dhulboob.

Oday Taabacsan Dowladda Fedaraalka oo ka Cabanaya Dhulboob.

Mid kamid ah odayaasha taabacsan Dowladda Fedaraalka ayaa sheegay, in dad masuuliyiin ah ay dhulboob ku hayaan.

Odegygaan oo lagu magacaabo Ciise Dalabeey ayaa sheegay, in muddo sanando ah lagu heysto dhul uu sheegay inuu isagu leeyahay uu ku yaallo degmada Kaaraan.

Ciidan uu ku tilmaamay maleeshiyaad ayuu sheegay iney howshaan ufulinayaan masuuliyiinta uu dhulboobka ku eedeeyay, dhulkiisana la doonayo in laga dhiso kawaan lagu iibiyo Kalluunka.

Waxa uu kaloo tilmaamay in lacag badan oo gurigiisa utiillay laga dhacay, dadka boobka ku hayana uu kamid yahay gudoomiyhii hore ee gobalka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Dhulkiisa oo kaliya maahane waxa uu sheegay inuu doonayo dhul badan oo uu boob ku hayo ninka uu ka cabanayo.

Halkaan ka Degso Warka Dhulboobka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular