Odayaal ku sugan gobalka Hiiraan ayaa Cali Guudlaawe ku eedeeyay inuu dhibaato ka wado gobalkaas.
Odayaashaan oo kulan ku yeeshay degaan katirsan gobalka Hiiraan ayaa waxa ay sheegeen, in madaxweynaha maamulka la baxay Hirshabeelle uu qalalaaso ka wado gobalka.
Waxay tilmaameen in Guudlaawe aanan laga rabin gobalka Hiiraan, suuragalna aysan aheyn in maamulkiisa uu tirsado Hiiraan, odayaal ay ku tilmaameen kuwa uu soo kireystayna uu adeegsanayo colaad uu gobalka ka abuuro sida ay hadalka udhigeen.