Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay weeraro ku qaaday, xeryaha ay askarta maamulka la baxay Koonfur-galbeed ku leeyihiin degmooyinka Qansaxdheere iyo Xudur oo ka kala tirsan Baay iyo Bakool, iyo saldhigga askarta maamulka la baxay Jubbaland ay ku leeyihiin degaanka Baarka ee duleedka Kismaayo.
Waxaa kaloo xalay la weeraray, xeryaha ay askarta Shisheeye iyo kuwa Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin degmooyinka iyo degaannada kala ah, Qoryooley, Afgooye, Awdheegle iyo Danow oo kawada tirsan Sh-hoose.
Qaraxyo 3 ah oo ka kala dhacay degaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho iyo degmada Afgooye ee Sh-hoose ayaa lagu dilay 1 askari, halka lagu dhaawacay 6 kale, halka qarax kale oo degmada Dhoobley ee Jubada-hoose lagula beegsaday Nasaaro Kenyan ah oo Kirishtanka faafinayay lagu dilay mid kamid ah Nasaarada laguna dhaawacay 5 kale.
Sidoo kale howlgal qorsheysan oo ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa lagu dilay, askari katirsanaa Sirdoonka Dowladda Fedaraalka oo lagu magacaabi jiray C/raxmaan Dheere kaas oo laga furtay qori uu watay, iyadoo sarkaal katirsan boliska Dowladda Fedaraalka oo 1 xidigle ahaa laguna magacaabo Abuukar Cusmaan Nuur lagu dilay magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Sh-dhexe.
Halkaan ka Degso Faahfaahinnada Weerarada