HomeAll newsQaxooti ku Go'doonsan Gobolka Daarfuur ee Dalka Suudaan.

Qaxooti ku Go’doonsan Gobolka Daarfuur ee Dalka Suudaan.

Dadkan barakacayaasha ah ayaa wajahaya xaalad nololeed oo adag, Kadib markii ay malleeshiyaadka AD-Dacmu AS-Sariic ay go’doomiyeen isgoys waliba oo soo gala xerdan barakacayaasha.

Barakacayaasha oo degan Mukhayamka ZamZam ee ku yaalla meel 15 Km ujirta magaalada AL-Faashir ee Galbeedka Suudaan ayaa dhigay dibad-bax ay kaga soo horjeedaan, go’doonka ay ku hayaan malleeshiyaadka RSF, waxayna intaasi ku dareen in malleeshiydan ay dadka barakacayaasha ah ka hor istaageen gargaar kasta oo soo gaarilahaa xeradan.

Waxay manaabaxayaashan halkuhdhiyo ay kusoo xardheen  boorar ay u adeegsanayeen banaabaxa kaga muuqanayay hadallo ay kamid ah tahay, ‘’ waxaan dalbaneynaa in xerda ZamZam ee barakacayaasha loo furo gargaarka Bani’aadannimo.

Xedaran barakacayaasha ee  ku taalla duleedka Daar-Fuur ayaa la sheegay iney ku nool yihiin dad ku dhow 1,000 oo barakacayaal ah, waxayna xilligan wajahayaan dhibaatooyin ay kamid yihiin cunto la’aan, biyo nadiif ah oo aysan heysan,  gargaarkii soo gaari lahaa oo laga hor istaagay, waxayna ku dhow yihiin iney baahi ule’daan, maadaama xaaladda kaama ay kasii dareyso maaliba maalinta kadameysa.

Dhibaatooyinkan oo dhan waxay carabka ku dhufteeen iney ka dhasheen go’doonka ay saareen malleeshiyaadka RSF ee hoostaga xukuumadda Imaaraadka Carabka, dagaalkana kula sira ciidanka Dowladda Suudaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular