HomeAll newsRigathi Gachagua oo Ruto ku Eedeeyay Inuu Halis Galinayo Noloshiisa.

Rigathi Gachagua oo Ruto ku Eedeeyay Inuu Halis Galinayo Noloshiisa.

Rigathi Gachagua oo ahaa madaxweyne kuxigeenkii Kenya, baarlamaanka wadankaasina uu xilka ka qaaday, ayaa sheegay inuu la kulmayo xaalad halis gelineysa noloshiisa, isagoona ku eedeeyay madaxweynaha Kenya Willaim Ruto ee ay saaxiibada ahaayeen, inuu ka qaaday ciidankii ilaalada gaarka u ahaa.

Isagoo la hadlayay wariyaasha ku sugan magaalada Nairobi, ayuu sheegay madaxweyne kuxigeenkii Kenya ee la casilay, in la abaabulay qorshayaal la doonayo in lagu khaarijiyo, iyadoo laga qaaday dhamaan ciidamadii qaabilsanaa sugidda amnigiisa shakhsiga.

Ninkan ayaa ku eedeysan musuq-maasuq, taageerada qulqulatooyinka amni ee dalka iyo ku takrifal awoodeed, waxaana tan iyo markii xilka laga casilay uu jeediyay hadallo uu ka muuqday walaac amni oo uu dareemayo.

Bayaan uu soo saaray wuxuu Rigathi Gashagua ku sheegay inaanu dareemeynin amni, labo jeer oo horeyna uu ka badbaaday isku day lagu doonayay in lagu sumeeyo, si loo dilo, taas oo uu sheegay iney ka dambeeyaan xubno katirsan dowladda Kenya.

Ku xigeenka William Ruto ee xilka laga qaaday, wuxuu ka codsaday madaxweynaha Kenya inuu nadabgeliyo isaga iyo qoyskiisa, banaankana uu ka maro, isagoo xilligan wajahaya xaalad amni oo cakiran, sida uu muujisanayo.

Khilaafaad ayaa ka dhex taagan dowladda Kenya, waxaana muuqata in lagu loolamayo awoodda iyo dhaqaalaha, Ruto oo uu kuxigeen ka dhigtay wasiirkii arimaha gudaha, baarlamaanka dalka Kenyana uu ogolaaday, ayaa waxaa hakiyay maxkmadda sare ee dalka Kenya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular