Dalka Ukirane waxaa wali ka soconaya dagaallada iyo duqeymaha udhexeeya xukuumadaha Moscow iyo Kiev, kuwaas oo maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogeysanaya.
Inta la xaqiijiyay hal cunug oo yar ayaa ku dhintay, 19 ruux oo kalena wey ku dhaawacmeen, duqeyn ay diyaaradaha dowladda Ruushka ka geysteen dalka Ukirane.
Duqeynta ayaa beegsatay dhisme la dagan yahay oo ku yaalla magaalada 2aad ee ugu weyn dalka Ukraine ee Kharkiev.
Dowladda Ukiraine ayaa ku faantay, iney iska difaacday weeraro dhowr ah oo uu Ruuhsku kusoo qaaday dalkeeda.
Dowladaha reer-galbeedka oo ku tiir iyo tacab beelay maalgalinta dagaalka ka socda Ukraine, ayaa iyana sidii hore utaageereen dowladdas.