Waasaaradda dagaalka dowladda Ruushka, ayaa war ay soo saartay maanta oo Talaado ah, waxay ku sheegtay iney ku guuleystay burburinta diyaarado Drones ah oo badan, kuwaasoo ay Kiev kusoo weerartay Ruushka.
Illaa ugu yaraan 18 diyaaradood oo nooca Dronesta ah, ayay wasaaradda dagaalka ee Ruushka sheegtay iney burburisay, kuwaasoo nidaamka Kiev ee argagaxisada ah kusoo weeraray Ruushka, sida warka loo dhigay.
Sida lagu sheegay warka kasoo baxay dowladda Ruushka, 11 kamid ah diyaaradaha Dronesta waxaa lagu burburiyay hawada gobolka Biryaanisk, halka 3-na lagu soo riday Beligorod, labo kalena gobolka Korsek, halka deegaannada Toolla iyo Aariyoolna min diyaarad lagu soo riday.
Gudoomiyaha mandiqadda Toola ee Ruushka, wuxuu qoraal uu soo dhigay barta Telegramka ku sheegay, in warshad ku taalla gobolka ay waxyeello kasoo gaartay weerarka Dronesta loo adeegsaday ee ay soo qaaday Ukraine.