Waxaa habeen hore labo qarax ay ka dhaceen meel udhaw safaaradda maamulka Yahuudda ee ku taalla caasimadda dalkaasi ee kobankeengan, sida laga soo xigtay Booliska Denmark.
Yahuudda halkaasi joogtaa ayaana waxaa soo wajahay cabsi xooggan, waxayna baqayeen in gudaha loogu soo galo.
Danjiraha Yahuudda ee safaaradda Denmarka ayaa sheegay inuu aad uga xanay, qaraxyada ka dhacay meel udhow safaaradda.
Dhanka wadanka Sweden waxaa isna la sheegay iney Talaadadii rasaas lala beegsaday, saafaradda caasimadda wadankaasi ay ku leeyihiin maamulka geystaha Yahuudda.
labda dhacdo lama sheegin khasaare nafeed ah oo ka dhashay, mana cadda ciidda sida rasmiga ah uga dambeysa weeradan, waxayna sheegeen booliska labda dal iney wadaan baaritaanno la xiirira weeraradan.
Nacaybka loo qabo Yahuudda ayaa kusii kordhaya wadamada Yurub iyo Mareykanka, maadaama aysan cidna wax u hambeyheyn.