HomeAll newsSaldhig Ciidamada Maraykanku ku Leeyihiin Ciraaq oo La Duqeeyay.

Saldhig Ciidamada Maraykanku ku Leeyihiin Ciraaq oo La Duqeeyay.

Aroornimadii hore ee maanta waxaa gantaallo nooca loo yaqaan Katiyuusha lala beegsaday, xero millateri oo ay ciidanka Mareykanku ku leeyihiin, meel udhaw garoonka diyaaradaha ee magaalada Baqdaad, sida ay sheegtay wakaallada wararka ee Reuters oo soo xiganeysa ilo millitari.

Illaa iyo 3 Gantaal ayaa ku dhacay meel udhaw dhismayaal ku yaalla gudaha saldhigga, oo ay deganaayeen malleeshiyaad Ciraaqiyiin ah oo taabacsan dowladda Mareykanka, Wararka ayaaana intaasi ku daraya ineysan wax khasaare nafeed ah ka dhalan duqeyntan lala beegsaday saldhigga, balse gubasho iyo burbur uu soo gaaray qaar kamid ah gawaaridii dhextiilay saldhigga.

11-kii Bishan Septemper ayey ahayd markii sidan oo kale ay weerar la kulmeen, dhismayaal ay deegaansadaan diblumaasiin Ameerikaan ah oo ku yaalla magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Macadda cidda sida rasmiga ah uga dambesay weerarkan lagu qaaday ciidamada Mareykanka ee ku sugan Ciraaq, hase ahaatee waxaa dalkaasi ka dhisan, malleeshiyaad hubeysan oo Ciraaqiyiin ah, islamarkaana ay taageerto xukuumadda Shiicada Iiraan, kuwaasoo marar badan weeraro la beegsaday askarta Mareykanka ee ku sugan Mandiqadda loo yaqaan Bariga Dhexe.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular