HomeAll newsSaldhig Ciidamada Maraykanku ku Leeyihiin Suuriya oo La Weeraray.

Saldhig Ciidamada Maraykanku ku Leeyihiin Suuriya oo La Weeraray.

Warbaahinta dalka Suuriya ayaa tabisay, in saldhiga ciidamada Maraykanka ee At-Tanaf, oo ku yaala xuduuda Suuriya uu la wadaago dalalka Urdun iyo Ciraaq, lagu qaaday weerar diyaarado loo adeegsaday.

Bar kontorool oo laga ilaaliyo xarun tababar oo ku taalla gudaha saldhiga, ayaa waxaa lagu weeraray diyaarado drones ah, kuwasoo qaraxyada ay dhaliyeen laga maqlayay goobo ka baxsan halka uu weerarka ka dhacay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Maraykanka ay qarxiyeen oo ay ka hortageen illaa saddex diyaaradood oo kamid ah kuwa weerarka loo adeegsaday, oo ahaa nooca dronesta ee qaraxyda lagu rakibo.

Warbaahin taabacsan kooxaha Shiicada ee dalka Ciraaq, ayaa tabisay in iyagu ka dambeeyaan masuuliyadda weerarka lagu qaaday saldhiga ciidamada Maraykanaka ee dalka Suuriya.

Sarkaal Ameerikaan ah oo ay soo xiganeyso Aljazeera ayaa sheegay inaaney heynin xogo la xariira weerar lagu qaaday saldhig ay ciidamadooda kaga suganyihiin dalka Suuriya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular