HomeAll newsSaraakiil Katirsanaa RSF oo Isku Dhiibay Milliteriga Suudaan.

Saraakiil Katirsanaa RSF oo Isku Dhiibay Milliteriga Suudaan.

Illaa ugu yaraan 5 xubnood oo katirsanaa kooxda RSF ayaa ku dhawaaqay iney kasoo goosteen kooxdaas, kuna biireen milliteriga Suudaan ee uu hogaamiyo Cabdil Fataax Al-Burhaan.

Saraakiishan kasoo goostay RSF ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boort Suudaan oo ah caasimadda kumeel gaarka ah ee uu ku shaqeeyo maamulka milliteriga, waxayna ka hadleen asbaabaha ay uga soo goosteen RSF.

Waxay tilmaameen in sababta ugu weyn ee ay usoo goosteen ay tahay iyadoo kooxda RSF iyo hogaamiyaheeda Doglo ay fulinayaan ajandayaal shisheeye, oo lagu doonayo in lagu qabsado magaalooyinka ku teedsan xeebaha badda Cas.

La taliyaashan isku dhiibay milliteriga Suudaan waxay tilmaameen in qorshaha uu ahaa iney sidoo kale isasoo dhiibaan 3 sarkaal oo kale, kuwaasoo usoo dib u dhacay safarro ay ugu maqanyihiin dalka dibadiisa, waxayna ka gaabsadeen in magacyadooda ay shaaciyaan.

Dhawaan ayay ahayd markii sarkaal sare oo katirsanaa kooxda RSF uu isku soo dhiibay ciidanka milliteriga Suudaan, sarkaalkan ayaana ka howlgei jiray gobolka Aljaziira, halkaas oo uu ka geystay gabood fallo wuxuushnimo ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular