Ciidamada Maraykanka ayaa soo Saaray natiijada baaritaanno bilo socday, oo lagu hayay Kiiska labo Sarkaal oo Maraykan ah oo lagu waayay Xeebaha Soomaaliya.
Labada sarkaal ee la waayay horaantii sanadkan 2024-ka ayaa la xaqiijiyay iney ku qarqoomeen badda, sidaasina ku dhinteen, waxaana lagu kala magacaabayay Nathan Gage Ingram 27 jir ah, iyo Christopher Chambers oo 37 sano jir ah.
Waxay kamid ahaayeen saraakiil muhiim u ahaa ciidamadda Badda ee Maraykanka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Taliska ciidanka Badda ee Maraykanka, iyadoona dhimashadooda uu bayaanka ku sheegay arin naxdin leh.
“Waxaan tacsi u direynaa Chris iyo Gage qoysaskooda, iyo asxaabtooda inta lagu guda jiro waqtigan adag. Waxay ahaayeen dagaalyahanno gaar ah, saaxiibo qaali ah,” ayaa lagu yiri bayaan uu ku saxiixanyaahy taliyaha Waaxda Gaarka ah ee Ciidanka Badda Maraykanka.
Lama bixin tafaasiil intan kabadan oo la xiriirta sida ay ku qarqoomeen, maadaama ay maraakiib saarnaayeen, hase yeeshee sida warka ka muuqato mid kamid ah saraakiisha ayaa ku dhacay badda, halka uu midka kalena isku dayay inuu badbaadiyo saaxiibkiisa.
Ciidamada Maraykanka gaar ahaan kuwa badda, ayaa kamid ah ciidamada duulaannada iyo dirirta ka wada caalamka Islaamka, waxaana ay badaha u joogaan boobka kheyraadka umada iyo iney uga duulaan cid weliba oo ay doonaan, iyadoo ay intaa dheertahay in maraakiibta waaweyn ee ciidamada Maraykanka ee jooga xeebaha caalamka Islaamka ay yihiin xabsiyo lagu tacdiibiyo dad aaney ehelladooda ka war heynin, oo si lama filaan ah loo afduubtay.