Taliska ciidanka Yahuudda ayaa ku dhawaaqay in sarkaal kamid ah ciidamadooda lagu dilay dagaallada ka socda Koofurta Lubanaan ee dhexmaraya, iyaga iyo ururka Shiiciga ah ee isku magacaabay ‘’Xisbullaah’’, halka mid kamid ah askartoodana uu dhaawac culus soo gaaray.
Dhinaca kale waxaa wali si joogto ah wadanka Lubnaan uga soconaya duqeymaha uu fulinayo kayaanka Sahyuuniga ah.
Subaxnimadii hore ee maanta duqeyn diyaaradeed oo ay fuliyeen Yahuudda ayaa ka dhacday jihada Koofureed ee magaalada Beruut, halka sido kale ay Yahuudda madaafiic ku duqeeyeen, magaalooyin dhowr ah oo dhaca Koofurta iyo Bariga Lubnaan.
Geesta kale, labo ruux oo Yahuud ah ayaa ku dhintay gentaallo uu ururka Shiiciga ah ee la baxay Xisbullaah kasoo tuuray Lubanaan kuna dhacday magaalada Kiryat Shmona oo ay xoog ku heystaaan Yahuudda islamarkaana dhacda xadbeenaadka udhaxeeya Falastiin iyo Lubnaan.
Sido kale gentaallo uu ururka Shiiciga ah tuuray islamarkaana ku dhacay magaalada Xeyfa ee kamid ah dhulka la heysto ee Falastiin, ayaa waxaa ku dhaawacmay 6 qof.
Maamulka Yahuudda ayaa qirtay in Nidaamkooda difaaca hawada u uku fashilmay inuu kahortago gentaalladan ku dhacay magaalooyinka aaan soo sheegnay.