HomeAll newsShirka Muqdisho Uga Socdo DF & Maamul Gobaleedyada oo la Isku Mari...

Shirka Muqdisho Uga Socdo DF & Maamul Gobaleedyada oo la Isku Mari La’yahay.

Waxaa weli magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka socda, shirka ay isugu yimaadeen madaxda Dowladda Federaalka iyo maamul goboleeydada, kaasoo la doonayay in lagu xalliyo khilaafaadka ragaadiyay dhinacyada shirka ka qeybgalaya.

Sida ay ku waramayaan ilo xog ogaal ah iyo warbaahinta qaar, waxaa jira qodobo weli ay isku mari la’yihiin madaxda Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, taasoo hortaagan in shirka lasoo gebegebeeyo, bayaan wadajir ahna laga soo saaro.

Qodobka ugu adag ee ay dhinacysadu isku mari la’yihiin ayaa la sheegay, inuu yahay arinta doorashada, taasoo ay Dowladda Federaalka dooneyso in muda kordhin ay sameyso, kadibna la sheego in dalka ay ka dhaceyso doorasho qof iyo cod ah, taasoo aan ifafalaaheeda muuqan.

Axmed Madoobe, oo ah hogaamiyaha maamulka labaxay Jubbaland ayaa diidan muda kordhin, isagoo ku doodaya in loo baahanyahay in bisha November ay maamul goboleedyadu qabsadaan doorashadooda, qofkii kusoo baxana uu kursiga sii heysto.

Wuxuu Axmed Madoobe sidoo kale ku dooday, in haddii laga hadlayo doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda Soomaaliya, loo baahanyahay in shirka ay kasoo qeybgalaan maamullada Puntland iyo SSC Khaatumo, taasoo iyaduna xilligan aan miiska saarneyn, maadaama uu jiro khilaaf adag oo u dhexeeya Xasan Sheekh Maxmuud iyo Siciid Deni.

Waxaa jiray kulan gaar ah oo habeenkii xalay madaxtooyada ku yeesheen Xasan Sheekh Maxmuud, Xamse Cabdi Barre iyo Axmed Madoobe, mana jirin wax natiijo ah oo kasoo baxay kulankaas, waxaana suuragal ah inuu kusoo dhamaado shirka maamul goboleedyada iyo Dowladda Federaalka fashil iyo natiijo la’aan.

Halkaan ka Degso Warka Shirka Muqdisho

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular