HomeAll newsShirkad Hubka Sameysa oo Yahuuddu Ku Leeyihiin Sweden oo La Weeraray.

Shirkad Hubka Sameysa oo Yahuuddu Ku Leeyihiin Sweden oo La Weeraray.

Warbaahinta wadanka Sweden ayaa tabisay, in xafiiska shirkadda Elbist Systems, oo ah shirkad sameysa hubka, lagu qaaday weerar toogasho ah.

Weerarka ayaa ka dhacay xafiiska shirkadan ay Yahuuddu leeyihiin, oo ku taalla magaalada Goterbog ee dalka Sweden, ciidamada booliiska dalka Sweden ayaana sheegay inaaney jirin waxyeello ka dhalatay toogashada.

Wiil dhalinyaro oo da’diisa lagu sheegay 15 sano jir, ayay ciidamada ammaanka gacanta ku dhigeen, kaasoo lagu eedeeyay inuu fuliyay weerarka, waxaana lagu soo oogay dacwad ah inuu qorsheeyey dil toogasho ah, iyo inuu keydsaday hub “sharci-darro ah”.

Waa weerarkii labaad oo ay la kulanto shirkadda Elbist Systems, ee ay Yahuuddu leeyihiin, islamarkaana hubka u sameysa ciidamada Yahuudda, dhawaan ayay ahayd markii afaafka shirkadda laga heley qarax lagu diyaariyay goobta, kaasoo aan weli qarxin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular