Shirkadda Technologiyada ee Microsoft, ayaa go’aansatay iney shaqada ka ceyrisay labo kamid ah shaqaalaheeda, kuwaasoo xarunta shirkadda ka dhigay dareen muujin ku aadan iney kasoo horjeedaan dagaalka Yahuudda ee Qazza.
Cabdoo Muxamad iyo Xusaam Nasar, oo ah labada shaqaale ee shaqada laga ceyriyay, ayaa wakaaladda wararka AP u sheegay, in tallaabada ay qaadeen ku doonayeen iney ku muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan gumaadka Qazza, iyo sida shirkadda Microsoft ay u taageereyso xasuuqa Yahuudda.
Bayaan kasoo baxay shirkadda Microsoft ayaa lagu shegay in iyadoo la fulinayo siyaasadda arimaha gudaha ee shirkadda, la go’aamiyay in shaqada laga ceyriyo labo kamid ah shaqaalaheeda, iyadoo diiday iney bixiso tafaasiil intan kabadan.
Dhamaan shirkadaha technologiyada ee reer galbeedka ayaa taageeraya xasuuqa ka socda Qazza, iyadoo ciidamada Yahuudda ku garab siinaya gumaadka ay geysanayaan, kuna dacminaya technologiyada ay soo saaraan.