Xaaladda kacsan ee kajirta mandiqadda loogu yeero Bariga dhexe iyo hubanti la’aanta ka taagan gobolka, ayaa saameyn ku yeelatay meelo badan oo kamid ah dunida, oo ay kamid yihiin dalalka reer galbeedka, oo Yahuudda ku taageeraya duullaannada ay ka wado Qazza iyo Lubnaan.
Dalka Ingiriiska oo asal ahaan ah cida Yahuudda dejisay dhulka muslimka ah ee Filastiin, xilliganna hub iyo saanad milliteri oo kala duwan ku taageereysa Yahuudda, ayaa kamid ah dalalka ay saameynta ku yeelatay xaaladda ka taagan mandiqadda loogu yeero bariga dhexe, siiba marka laga hadlayo dhanka dhaqaalaha.
Dhaqaalaha dalka Ingiriiska ayaa wajahaya xaalad hubanti la’aan ah, khubarada dhaqaalaha ee dalka ayaana filaya in haddii xaalku sidaan sii ahaado, ay suurogal tahay in dhaqaalaha UK uu la kulmo qulqulatooyin aan la mahdin, oo dhulka la gala xasiloonida dhaqaale ee dalka.
Bankiga dhexe ee dalka Ingiriiska, ayaa indhaha ku haya xaaladda ka taagan mandiqadda loogu yeero Bariga dhexe, waxaana laga cabsi qabaa in haddii ay sii baahdo xiisadda ka dhex taagan Yahuudda iyo Iiraan, ay saameyn muuqata oo weyn ku yeelato dhaqaalaha dunida, oo aan horaanba cago badan ku taagneyn.
Meelaha saameynta xoogan laga dareemi doono, bankiga Ingaltarana uu walwalka badan ka qabo, ayaa waxaa kamid ah qiimaha shidaalka iyo naftada, iyadoo ay suuragal tahay in dhaqaalaha caalamka uu la kulmo lama fillaanno badan oo lamid ah, kuwii ku habsaday todobaatameeyadii qarnigii hore.
Wargeyska The Gurdian ee kasoo baxa dalka Ingiriiska, ayaa daabacay warbixin uu kaga hadlayo culeeska dhaqaale ee ay wajihi karto dowladda Ingiriiska haddii xaaladda bariga dhexe ay faraha ka baxdo, waxaana warbixinta oo soo xiganeysa gudoomiyaha bankiga dhexe ee Ingiriiska ay hoosta ka xariiqday inuu jiro walaac sii kordhaya, oo ay muujinayaan siyaasiyiinta iyo khubarada dhaqaalaha ee dalka.
Gudoomiyaha bankiga, ayaa sheegay in si taxadar leh oo joogta ah ay indhaha ugu hayaan xiisadda ka taagan gobolka Bariga dhexe, tallaabo weliba oo suurogelin karta inaanu sicir barar ku imaanin qiimaha shidaalka cayriinka ahna ay qaadi doonaan, haddii xaaladdu faraha kasii baxdo.
Wuxuu gudoomiyaha bankiga Ingiriiska intaa ku daray, iney suuragal tahay iney qaadaan tallaabooyin aaney mahdin dadka Ingiriiska ku nool, si hoos loogu dhigo qiimaha faa’iidada, taasoo uu shardi uga dhigay in wararka la xiriira sicir-bararka suuqa uu ahaado mid wanaagsan.
Andro Bily wuxuu sheegay in cabsida Jiyoo Siyaasi ee la xiriirta mandiqadda ay tahay mid xoogan, oo sii badaneysa, waxa dhacayana ay yihiin wax laga xumaado oo halis badan, su’aasha ugu badan ee la isweydiinayana ay tahay sida suuqyada qaar eoo cadaadis adag la kulmaya, ay ula falgeli doonaan xaaladda taagan.
Marka laga hadlayo qiimaha lagu kala iibsado naftada, wuxuu gudoomiyaha bankiga dalka Ingiriiska tilmaamay, in tan iyo todobadii October aanu waxbadan iska bedelin, mar weliba oo uu sidaasi sii ahaadana ay dani ugu jirto dowladaha reer galbeedka, xilligan la joogana ay ku dadaalayaan sidii naftada iyo shidaalka aaney saameyn ugu lahaan lahayn xaaladda ka taagan gobolka, taasoo uu sheegay iney usoo mareen tajrubo la xiriirta, in shidaalka loo adeegsanayay qodob siyaasi ah oo cadaadis la isku saaro, sidaba dhacday todotaameeyadii qarnigii tagay ee 20aad.
“ Indhaha ayaan ku heynaa arinta naftada, waana kusii hayn doonnaa, dadka dhigeyga ah ee aan la hadlayna waxay dhamaantooda muujinayaan, inuu jiro iltizaam ah inaanu waxba iska bedelin sicirka naftada, laakiin waxaa jirta mar ay gebi ahaanba meesha ka bixi karaan ballanqadyadaas, taasina waxay ku xirantahay xaaladda ka taagan gobolka oo sii xumaata” ayuu yiri gudoomiyaha bankiga dalka Ingiriiska.
Shanti sano ee lasoo dhaafay, ayuu sheegay iney jireen caqabado badan oo soo wajahay dhaqaalaha dalka Ingiriiska, sidaasoo ay tahayna ay ku guuleysteen iney la fal galaan, kana gudbaan, xilligan la joogana ay rajadoodu sidaasi tahay, laakiin wax weliba ay ku xirantahay tallaabooyinka siyaasadeed ee kajira gobolka loogu yeero Bariga dhexe, oo ah goobta ugu badan ee laga soo saaro naftada.
Markastaba dowladda Ingiriiska waxaa saameynaya tallaabooyinka soo cusboonaanaya ee kajira mandiqadda, warbixin uu qoray wargeyska Daily Express, ayaa lagu sheegay in dalka Ingiriiska aanu jaziirad ahayn, marka laga hadlayo dhanka dhaqaalaha, sidaasi darteedna dhacdooyinka ka dhacaya dibadda uu dalka iyo dhaqaalihiisaba saameyn adag ku yeelanayo.
Cabsida ugu weyn ee ay muujinayaan khubarada dhaqaale ee dalka Ingiriiska, oo uu kamid yahay gudoomiyaha bankiga dhexe waxay tahay, in xiisadda ka taagan mandiqadda Bariga dhexe ay sii cuslaato, weerar lagu qaado dowladda Iiraanna uu keeni karo ineh go’aan wadooyinka lasoo mariyo shidaalka, taasoo shaki la’aan ka dhigeysa inuu sii kordhi doono qiimaha shidaalka lagu kala iibsado.
Koror kasta oo ku yimaada qiimaha shidaalka, waxaa laga dareemi doonaa guryaha ay ku noolyihiin muwaadiniinta dalka Ingiriiska, maadaama uu kororkaasi saameyn ku yeelan doono adeegayda dadweynaha ee korontada, biyaha, isbitaallada iyo suuqyada, maadaama ay kordhayaan lacagaha lagu bixinayo dhamaan adeegyadaas.
Tani waxay abuuri kartaa xasilooni daro ka dillaacda dalka Ingiriiska, iyo in muwaadiniinta wadanka ku nool ay ku mudaaharadaan dowladooda, ama ay kalsoonida kala laabtaan xukuumadda iyo madaxdeeda, taasoo keeneysa in xaaladda siyaasadeed ee dalka uu qalqal galo.
Reer galbeedka ayaa boob iyo xaalufin ku haya kheyraadka dhex ceegaaga wadamada caalamka Islaamka, gantaallada geerida iyo burburka u sida reer Qazza ayaana lagu soo farsameeyaa shidaalka iyo naftada laga soo saaro wadamada caalamka Islaamka, kuwaasoo ay xukuumada halkaasi ka jira siiyaan reer galbeedka ay ugu horeeyaan Maraykanka iyo Ingiriiska.
Xilligan la joogo waxay reer galbeedku usoo hanqal taagayaan Afrika gaar ahaan dalalka caalamka Islaamka, maadaama ay horey usoo dhameysteen bariga dhexe, ama ay ka baqanayaan iney saameyso xiisadda halkaasi ka taagan.
Sidaasi darteed waayadii u dambeysay waxaa jiray heshiisyo kala duwan oo ay dowladaha reer galbeedka la galeen dowladaha ka jira wadamada muslimiinta ee qaaradda Afrika, oo ay Soomaliya ka mid tahay.
Dowladda Turkiga oo qeyb ka ah ururka Nato, ee duullaannada iyo dabinnada u qoola muslimiinta caalamka, ayay Dowladda Federaalka ku wareejisay kheyraadka dhex ceegaaga badda, maalmo kadibna waxaa xeebaha koonfureed ee Badweynta Hindiya soo gaari doona Markab shidaal baaris sameynayo, oo ay soo dirtay xukuumadda cilmaaniga ee Turkiga.