HomeAll newsSoomaali iyo Qowmiyadda Munya oo ku Dagaallamaya Gobolka Tana River ee Kenya.

Soomaali iyo Qowmiyadda Munya oo ku Dagaallamaya Gobolka Tana River ee Kenya.

Dagaallo Gobolka Taanariifa ee dalka Kenya ku dhexmaraya Soomaalida iyo qowmiyadda Munya oo kamiid ah qomwiyadaha ku nool dalkaas.

Dhinacyada dagaallamaya ayaa isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dagaalladu kusii fidayaan deegaanno kamid ah gobolka Taanariifa.

Maamulka deegaanka ee dowladda Kenya ayaa war uu soo saaray wuxuu ku sheegay in ugu yaraan 8 ruux la xaqiijiyay in lagu dilay dagaallada oo weli ka socoda deegaannada qaar.

Dadka Kenyaatiga ee ku nool deegaannada Bangale iyo Nanighi oo ay saameyn ku yeelatay colaada, ayaa ka barakacaya guryahooda, dagaalkan ayaan todobaad kahor kasoo billowday tuullo lagu magacaabo Caanoole oo katirsan gobolka Taanariifa.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in goobaha lagu dagaallamay ay geysay ciidamo isuga jira booliis iyo milliteri, si looga hortago in dagaalku faraha kasii baxo.

Illaa iyo hadda ma cada waxa uu salka ku hayo dagaalka dhexmaraya Soomaalida iyo qowmiyadda Munya, ee ka socda gobolka Taanariifa.

Halkan ka dhagayso.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular