Xerada Ifo oo kamid ah xeryaha qoxootiga Dhadhaab, ayaa dadka ku nool waxay ka cabanayaan biyo la’aan heysta waayadii u dambeysay, iyagoo sheegay in xaaladoodu culus tahay.
Si guud dhulka Kenya gumeysato ee Soomaalidu leedahay, waxaa waayadii u dambeysay dadka ku nool ay ka cabanayaan biyo la’aan halakeysay dadka iyo duunyada, dowladda Kenya ayaana sheegtay inaaney xilligan waxba ka qaban karin.