Sida uu baahiyay website lagu magacaabo Middle East Monitor, maamulka Yahuudda ayaa wada qorshe ballaaran, oo uu ku doonayo inuu saldhig milliteri kaga sameysto deegaannada wuqooyi galbeed Soomaaliya, ee uu ka arimiyo maamulka labaxay Soomaaliland, ee u xusul duubaya inuu ka go’o Soomaaliya inteeda kale.
Sida warbixintu tilmaameyso, Yahuudda ayaa dooneysa in saldhiga milliteri ee ay ka sameyneyso deegaannada uu ka arimiyo maamulka Soomaalialnd ay kala socoto dhaq-dhaqaaqa marin biyoodka muhiimka ah ee Baabul Mandab iyo si guud Badda Cas, maadaama dalka Yemen qeybo kamid ah ka taliyaan kooxda Xuuthiyiinta ee taabacsan Iiraan.
Maamulka Yahuudda ayaa si uu u helo saldhiga milliteri ee uu ka dhisanayo Wuqooyi galbeed Soomaaliya, waxay warbixintu sheegeysaa inuu u aqoonsan doono maamulka Soomaaliland inuu yahay dowlad buuxda, waana arin Muuse Biixi ku dhiirogelineysa inuu qaado tallaabo weliba oo uu ku xaqiijin karo.
Warkan uu baahiyay wargeyska Middle East Monitor, ee ka faallooda arimaha mandiqadda Bariga dhexe, ayaa muujinaya sida uu Maaulka Yahuudda ugu xusul duubayo inuu galaangal ku yeesho Soomaaliya, si uu dalkan dhaca geeska Afrika ugu adeegsado meel uu kaga duulo Yemen, kana fushado masaalixdiisa u gaarka ah.
Illaa iyo hadda ma cada waqtiga rasmiga ah ee ay arintani ficil isku bedeleyso, laakiin waayadii u dambeysay waxaa aad isu soo tarayay hadal heynta la xiriirta in Yahuuddu ay saldhig milliteri ka sameysanayaan deegaannada uu ka arimiyo maamulka labaxay Soomaaliland.
Waxay tani kusoo aadeysaa, iyadoo sanad xiriir ah Yahuuddu xasuuqayaan walaalaheena reer Qazza, kuwaasoo aduunyada oo idil indhaha ka daawaneyso, iyagoo weliba lagu hayo go’doon cirka, dhulka iyo badda ah.
Bishii July ee sanadkan ayay ahayd markii website lagu magacaabo The Times of Israel uu qoray warbixin lagu tilmaamayo, in ahmiyad istiraatiijiyadeed ugu fadhiso Yahuudda iney dowlad u aqoonsadaan maamulka labaxay Soomaaliland.
Wuxuu qoraaga warbixinta oo lagu magacaabo Micheal Arizanti, lana shaqeeya hay’ado fadhigoodu yahay dalalka reer galbeedka tilmaamayaa, in waayadii u dambeysay Yahuuddu xooga saarayeen in xulafa iyo shuraako ku yeeshaan mandiqadda geeska Afrika oo ay ka jiraan isbedello Jiyo siyaasi ah oo dardar ku socda.
“Mid kamid aah fursadahaas ay heysato Israa’iil waa Soomaali-land, oo waaqic ahaan marka laga hadlayo ah maamul madax banaan oo ka jira geeska Afrika, Yahuuda ayaana ka faa’ideysan karta ictiraafka dowladnimo ee maamulkan, iyadoo taasi ay ka saacideyso ilaalinta amniga Yahuudda, iyo taakulaynta maamuullada dimuqraadiga gobolka” ayuu leeyahay qoraaga maqaalka.
Sida uu tilmaamayo Micheal Arizanti, wuxuu ictiraafka maamulka Soomaaliland u yahay Yahuudda tallaabo ay ku ilaashan karaan masaalixdooda geeska Afrika, maadaama maamulkan uu ka taliyo goob istiraatiiji ah oo kamid ah gacanka Cadan, ahna marin biyood muhiim ah oo isku xira qeybo badan oo kamid ah caalamka.
Horay maamulka labaxay Soomaaliland, wuxuu heshiis is-afgarad ah ula gaaray dowladda Itoobiya, isagoo u ogolaaday iney qaadato qeyb kamid ah badda Soomaaliya, waxaana muuqata in Muuse Biixi si uu ictiraaf ugu helo maamulkiisa uu qaadayo tallaabo weliba oo dhaawaceysa diinta iyo dadnimada umadda Soomaaliyeed.