Qiimeyn uu sameeyay markazka Straftor ee laga leeyahay dalka Maraykanka, kana faallooda arimaha milliteriga iyo amniga, ayaa lagu sheegay in mandiqadda Geeska Afrika ay qarka u saarantahay loollan milliteri.
Warbixinta machadka ayaa looga digay in ciidamada Masar ee imaanaya Soomaaliya, ay dhalin karaan inuu xoogeysto khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo itoobiya, taasoo keeni karta in Soomaaliya ay marti geliso dagaal toos ah oo dhexmara Itoobiya iyo Masar, arinkaas oo uu machadku sheegay iney ka faa’ideysan karto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Kulankii bishan October tobankeedii ka dhacay magaalada Asmara ee caasimadda Ereteria, heshiiska iskaashiga amniga iyo dhaqaalahana ku gaareen dhinacyada halkaas isugu tagay, ayuu machadka Straftor ku tilmaamay iney tahay mid muujineysa inuu sii darnaanayo khilaafka Itoobiya iyo Dowladda Federaalka.
Waxaa sii dheer in dowladda Masar ay ku dhawaaqday in ugu yaraan 5000 oo askari uga qeyb qaadaneyso duullaanka ciidamada Shisheeyaha ee Soomaaliya, kaasoo sanadka cusub ee 2025-ka loo bedeli doono magaca, qaabka shaqadiisana la yareyn doono.
Wixii ka dambeeyay is-afgaradkii dhexmaray Itoobiya iyo maamulka labaxay Somaliland, waxaa xoogeystay khilaafka Abiy Axmed iyo Xasan Sheekh Maxmuud, dowladda Federalaka ayaana ku goodisay in ciidamada Itoobiya ay ka saari doonto Soomaaliya, arinkaas ayuuna sheegay machadka Straftor inaaney weli ku guuleysan Villa Soomaaliya.
Go’aanka Masar ee ah iney kamid noqoto duullaanka Soomaaliya lagu soo qaaday, ciidamo dheeri ah oo aan ahayn kuwa Afrikaantana keento Muqdisho, ayay warqadan qiimeynta ah ee uu soo saaray Straftor ku sheegtay inaanu la xiriirn is-afgaradka Abiy Axmed iyo Muuse Biixi, balse ay ka tarjumeyso cabsida ay Masar ka qabto biyo xireenka Itoobiya ka dhistay webiga An-niil.
Iskaashiga amni ee curdunka ah ee dhexmaraya Dowladda Federaalka iyo Masar, ayuu machadka Straftor ku sheegay inuu imaanayo xilli Dowladda Federaalka aaney gacan ku heynin maamul goboleedyada dalka kajira, kuwaasoo go’aannadooda u madax banaan, tallaabada ay doonaanna qaadi karaan.
Maamullada Jubbaland iyo Koonfur-galbeed, ayuu machadku sheegay iney kasoo horjeedaan in ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya, taasina waxay Villa Soomaaliya ku cusleyn doontaa iney go’aan iskeed ah ka qaadato ciidamada Itoobiya ee jooga dalka.
Ciidamada Masar usoo direyso Soomaaliya, ayuu sheegay Straftor in loo arko kuwa xoojinaya awoodda Dowladda Federaalka, taasina waxay keeneysaa in mamaul goboleedyadu colaadsadaan ciidamada Masar, door bidaanna kuwa Itoobiyaanka.
Haddii ciidamada Itoobiya sii joogaan Soomaaliya, kuwa Masarna yimaadaan, arinta la xiriirta biyo is-afgaradka Muuse Biixi iyo Abiy Axmedn-na uu sii jiro, waxaa suuragal ah in Soomaaliya ay marti geliso dagaal wakaaladeed dhexmara Masar iyo Itoobiya, oo ah labo dal oo is diidan, khilaaf adagna uu ka dhexeeyo.
Xitaa haddii Dowladda Federaalka ku adkeysato in ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya, wuxuu Straftor ku doodayaa inaaney jirin cid Itoobiya ka hor istaagi karta faragelinta Soomaaliya, ciidamada Masar oo ku doodaya ilaalinta madax banaanida dalkan ayaana laga yaabaa iney dagaal la galaan ciidanka Itoobiya, taasoo ka dhigan in Soomaaliya uu marti geliyo loolan milliteri oo ballaaran.
Qiimeynta uu sameeyay machadka Straftor ee kasoo baxa dalka Maraykanka, kana faallooda arimaha caskariga iyo amniga, ayaa imaaneysa iyadoo weli aan xal laga gaarin khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Itoobiya, Villa Soomaaliya ayaana labo bilood kadib laga dhur sugayaa bal iney ficil u bedeli karto goodigeedii ahaa iney Soomaaliya ka saareyso ciidamada Itoobiya.