HomeAll newsTahriibiyaal ay Soomaali kamid Yihiin oo Lagu Qabtay Xeebaha Dalka Greega.

Tahriibiyaal ay Soomaali kamid Yihiin oo Lagu Qabtay Xeebaha Dalka Greega.

Ciidamada ilaalada Xeebaha dalka Greega ayaa ku dhawaaqay iney gacanta ku dhigeen doon ay saarnaayeen kudhawaad 100 ruux oo tahriibiyaal ah, kuwaasoo kasoo baxay dalka Turkiga, kuna sii jeeday qaaradda Yurub.

War kasoo baxay ciidamada Ilaalada Xeebaha ee dalka Greega, ayaa lagu sheegay in dadka doonta saarnaa ay kasoo kala jeedaan dalalka Suuriya, Ciraaq, Masar, Afqaanistaan, Soomaaliya iyo dalal kale, ayna kasoo dhaqaaqeen xeebaha goobolka Izmiir ee Turkiga, iyagoo kusii jeeda dalka Talyaaniga oo kamid ah wadamada dhaca qaaradda Yurub.

Dadka saarnaa doonta gacanta lagu dhigay ayaa 32 kamid ah waxay yihiin rag, 22 kalena haween, halka 39 qof kamid ahna caruur yihiin, iyadoo ay sii dheertahay naaqudayaasha doonta oo 4 ruux ahaa, kuwaasoo kasoo jeeda dalka Turkiga.

Qof kasta oo kamid ah rakaabka doonta ayaa la sheegay in laga soo qaatay lacag dhan 8000 oo lacagta Euro ah (Yurow), halka lagu qabtay doonta ayaana ah jaziirad ku dhow magaalada Athenes ee dalka Greega.

Soomaalida ayaa kamid ah dadka ka tahriiba dalkooda, ee dhibaatooyinka kala duwan kula kulma caalamka, waxaana culimada iyo waxgaradkuba marar badan usoo jeediyeen dhalinyarada Soomaaliyeed, iney dalkooda ku qancaan, cadowga usoo shaqo tageyna ka difaacdaan, kuna qancaan fursadaha ballaaran ee shaqo abuurka ah ee dalka kajira.

Halkan ka dhagayso.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular