Waddo la’aan ayaa ka jirta mid kamid ah xaafadaha magaalada Jigjiga ku hoos jirta gumeysiga Dowladda Xabashida Itoobiya.
Dhibaatooyin kala duwan ayaa heysta bulshada ku dhaqan dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga dowladda Itoobiya.
Dadka ku dhaqan xaafad katirsan magaalada Jigjiga ayaa waxa ay sheegeen, in waddo la’aani ay ka jirto xaafaddaas.
Dhiiqo ayaa goysay wadooyinka xaafadda, taas oo sababtay in aysan gaadiidka iyo mootooyinka loo yaqaanno Bajaajta isticmaali waayaan wadooyinka, waxaana intaa dheer ardayda wax ka dhigata madaarista oo iyagana dhibaato ku qaba arrintaan.