Dowladda Ruushka ee uu hogaamiyo Butin ayaa la wareegtay barta Wikipedia qeybta wadankaas, taasoo keentay in bartan lagu daabaco xogaha ay dooneyso xukuumadda Moskow iyo qaabka ay u rabto.
Hadaba, sidee ayay dowladda Ruushka ugu suurogashey la wareegitaanka bartan muhiimka ah, ee ay malaayiin ruux u ictimaadaan xogaha iyo macluumaadka Juqraafi, taariikh iyo siyaasad intaba?