Bilaal bin Rabaax Al-Xabashi, wuxuu dhashey saddex sano kadib sanadkii maroodiga ee ku asteysnaa duullaankii Xabashidu kusoo qaadeen Kacbada, iyagoo doonaya iney dhulka la simaan.
Wuxuu kamid ahaa raggii kusoo hormaray Islaamnimada, waxaana la wariyaa in maalin kamid ah maalmihii Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam iyo Abuu Bakar ku dhuumanayeen godkii duleedka Makkah ku yaalay, in Bilaal oo ari jir ah uu soo maray goobtaas.
Nabiga Salla-llaahu Caleyhi wasallam ayaa weydiiyay inuu caanaha ariga u liso, hase ahaatee Bilaal wuxuu ku yiri, mid kamid ah caanaheeda oo aan ku noolahay ayaana aniga sadkeyga ah, haddii aad rabtaanna waan idin iithaarayaa.
Nabiga Salla-llaahu caleyhi wasallam ayaa ri’dii Bilaal ka lisay caano badan oo sadexdoodaba ay ka dhergeen, arintaas oo ka yaabisay Bilaal bin Rabaax, markiibana wuxuu Nabiga u bandhigay inuu diinta Islaamka qaato, sidaasi ayuuna Bilaal ku islaamay.
Wuxuu Nabiga Salla-llaahu caleyhi wasallam kula taliyay Bilaal inuu islaamnimadiisa qarsado, laakiin goor dambe ayaa la ogaaday, dadkii uu u shaqeynayya ee adoonsanayay ayaana tacdiib daran u geystay.
Marka laga hadlayo makaanada iyo fadliga uu Bilaal ku dhex lahaa Islaamka, waxaa kamid ah in Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam uu maalin maalmaha kamid ah weydiiyay, bal inuu u sheego camalka uu ugu rajada badanyahay ee uu qabtay, maadaama uu shanqarta Bilaal ka maqaly Rasuulka Jannada dhexdeeda.
Bilaal ayaa sheegay inaaney jirin weyso qaad uu weyso qaato maalin iyo habeen, illaa inuu tukado intii uu Allaah u qadaray, taasina ay tahay camalka uu ugu rajada badanyahay.
Waxaa intaa u dheeraa Bilaal bin Rabaax inuu ahaa mu’addinkii Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam, oo xilligaasi ka dhignaa sidoo kale wasiirka Warfaafinta ee dowladda Islaamka.
Cumar Radiyllaahu canhu, ayaa wuxuu dhihi jiray “ Bilaal waa Sayidkeena, waxaana xoreeyay Abuu-Bakar oo isaguna sayidkeenna ah”.
Wuxuu ahaa qof tawaaduc badan, oo isdhul dhigis badan, marka wanaagiisa iyo kheyrkiisa la sheegana wuxuu dhihi jiray “ Waxaan ahay un qof Xabashi, oo daraadna adoon ahaa”.
Marka laga hadlayo Jihaadka iyo halganka, wuxuu Allaah ku sharfay Bilaal inuu kmaid noqdo mujaahidiintii ka hoos dagaalllamay raayada Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam, oo Islaamkana dhidibada ugu aasay dhulka Jaziiratul Carab.
Markii uu Suubanaha Salla-llaahu caleyhi wasallam geeriyooday, khulafadii Raashidiintana ay isaga kala dambeeyeen hogaaminta muslimiinta, wuxuu Bilaal isagoo ah mujaahid aan culees badneyn ka hoos dagaallamayay raayada Towxiidka, Islaamkana wuxuu ka gudbiyay xuduuda Jaziiratul Carab.
Wuxuu kamid ahaa saxaabadii xaadiray furashadii Beytul Maqdas iyo xoreynta Masjidul Aqsaa Ash-Shariif, ugu dambeyntiina waxay geeridu u timid isagoo ku sugan Dimishiq, sanadku markuu ahaa sanadkii 20aad ee hijriyada, wuxuuna ku geeriyooday dhowr iyo lixdan sano.
Alle haka raalli noqdo, maalinkii geeridiisa saacadihii uu sakaraatka ahaa waxaa argagaxay xaaskiisa, laakiin isagu wuxuu tilmamaay iney u tahay maalinkan maalin farxadeed, maadaama uu la kulmi doono Nabi Muxammad Salla-llaahu Caleyhi Wasallam iyo Saxaabada.