Wasiirka Gaashandhiga Dowladda Federaalka Cabdilqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa sheegay in Itoobiya weligeedba faragelin ku heysay Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in Itoobiya ay hadda ku howlantahay tallaabooyin ay ku burburineyso Dowladda Federaalka, saasoo ay tahayna ay iyagu diblumaasiyadda xooga saarayaan, oo ay dul qaadanayaan.
Wasiirka Gaashandhiga ee Dowladda Federaalka ayaa tilmaamay, in ciidamada Itoobiya aaney kamid noqon doonin howlgalka cusub ee bedelaya kan ATMIS, intaba ay qabaan damaca la xiriira badda Soomaaliya.
Itoobiya ayuu ku tilmaamay wasiirka iney tahay cadowga umadda Soomaaliyeed, arinta la yaabka lehna waxay tahay in madaxda Dowladda Federaalka oo bilooyin kahor Itoobiya walaalo ku tilmaami jiray, ay hadda cadow ku sheegayaan, markii Abiy Axmed uu si toos ah ula xirtay Muuse Biixi.