Sida lagu sheegay war kasoo baxay hay’adda Qaramada Midoobay, waxaa aad usii kordhaya dadka ka barakacay colaadda dalka Suudaan, islamarkaana aadaya dalalka deriska ah.
Todobaadkii ugu horeeyay ee bishan socota ee 10aad, waxaa dalka Suudaan ka barkacay ugu yaraan 25 kun oo ruux, kuwaasoo u cararay dalka Jaad, waana tiradii ugu badneyd ee barakacayaal ah tan iyo sanadkan 2024-ka oo mar keliya la diiwaan geliyo.
Isku duwaha arimaha qaxootiga ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suudaan, ayaa sheegay in todobaadyada soo socda ay qoxootiga Suudaan ka gudbi doonaan saddex malyan, arintaasina ay muujineyso in xaalku sii adkaanayo.
Wuxuu intaa ku daray in taageerada Qaramada Midoobay ee qoxootiga Suudaan ay aad uga yartahay culeeska taagan, isagoo ku baaqay in dowladaha ay kordhiyaan gargaarka, sida uu hadalka u dhigay.