Daadad ka dhashay fatahaad uu wabiga Shabeelle ka sameeyay degaano katirsan gobolka Shebeellada dhexe, waxaa ka dhashay dhibaatooyin kala duwan oo soo gaaray dadka iyo Duunyada.
Dadkii ku noolaa degaanka Gurac Madoobe ee katirsan Sh.Dhexe, ayaa barakacay kadib markii ay fatahaadda wabigu gaartay.”
Haweeney kamid ah dadka degaanka Qurac Madoobe ayaa uwarrantay warbaahinta, waxayna sheegtay iney muddo 5 jeer ah ka qaxeen fatahaadda uu sameeyay wabiga.
Ma ahan markii ugu horreysay oo Qurac Madoobe looga barakaco fatahaad.