Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa goordhow fuliyay weerar culus oo lagu beegsaday ciidamo katirsan maamulka labaxay Jubbaland, oo ku sugnaa deegaanno dhaca xad beenaatka ay wadaagaan Soomaaliya iyo dhulka ay Kenya gumeysato.
Weerarka ayaa ka dhacay saldhig ku yaala deegaan lagu magacaabo Muuri oo hoostaga Kambooni, waxaana saldhiga la wareegay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Warar horudhac ah oo laga heleyo khasaaraha dagaalka ayaa tilmaamaya, dhimashada 5 askari iyo dhaawaca 10 kale, halka lagu soo furtay 4 qori oo Ak-47 ah iyo RBG.
Dhinac kale, waxaa qeybo kamid ah gobolka Mudug ka dhacay dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo askarta Dowladda Federaalka.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Dowladda Federaalka duullaan kusoo qaadeen deegaanno nabdoon oo Qeycad uu kamid yahay, waxaana lagu jebiyay dhamaan weeraradii ay soo qaadeen.
Goobihii lagu dagaallam ayaa xilligan nabdoon, waxaana gacanta ku haya ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.