Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxa ay fuliyeen, silsilado weeraro ah oo ka dhan ah Shisheeyaha kusoo duulay dalka iyo Dowladda Fedaraalka.
Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaaa xalay weeraray, xerada askarta maamulka la baxay Koonfur-galbeed ay ku leeyihiin degmada Diinsoor ee gobalka Baay.
Dhanka gobalka Jubada-hoose, waxaa weerar lagu qaaday saldhigga askarta Kenya ay ka sameysteen degaanka Hoosingoow ee Jubada-hoose.
Sidoo kale waxaa xalay la weeraray, saldhigga askarta Uganda ee garoonka magaalada Baraawe, iyo xerooyinka askarta Dowladda Fedaraalka ay ku leeyihiin degmada Afgooye iyo degaanka Bariire ee Sh-hoose.