Saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxay fuliyeen weeraro toos ah iyo qaraxyo, kuwaasoo lala eegtay ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Shisheeyaha.
Gobolka Galgaduud, waxaa maanta ka dhacay dagaal faraha looga gubtay oo dhexmaray ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo askarta Dowladda Federaalka.
Dagaalka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Geerille oo hoostaga degmada Ceeldheer, waxaana ka dhashey khasaare baaxad leh oo gaaray ciidamada Dowladda Federaalka.
14 Askari oo katirsan ciidamada Dowladda Federaalka ayaa lagu dilay dagaallo ka dhacay deegaanka Geerille ee duleedka Ceeldheer, Galgaduud, halka lagu dhaawacay 11 kale. 9 kamid ah meydadka ciidamada Dowladda Federaalka iyo hubkii ay wateen ayaa waxaa gacanta ku dhigay Al-Shabaab.
Dhanka gobolka Shabeellaha Hoose, silsilado qaraxyo ah ayaa inta u dhexeysa deegaannada Nambar 50 iyo Afgooye waxaa lagula eegtay ciidamo katirsan kuwa Shisheeyaha Uganda.
Illaa shan qarax ayaa haleeley gawaarida dagaalka ee ay wateen ciidamada Shisheeyaha, waxaana jira gawaari basbeeley, iyo askar dhimasho iyo dhaawac noqday. Goobta ay qaraxyadu ka dhaceen waxaa kusoo degtay diyaarad hellicopter ah.
Ciidamadan ayaa waayadii u dambeysay la kulmay silsilado weeraro qaraxyo ah, kuwaasoo gallaaftay nolosha tobanaan askari oo katirsan ciidamada Shisheeyaha Uganda.