Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxa ay fuliyeen, weeraro loo adeegsaday madaafiic iyo kuwa toos ah oo ay la beegsadeen, fariisimo ay askarta Shisheeye iyo kuwa Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin qeybo kamid ah gobalka Sh-hoose.
Habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar madaafiic loo adeegsaday waxa ay ku qaadeen, xerada ay askarta Shisheeye ee Uganda ku leeyihiin degaanka Danow ee gobalka Sh-hoose.
Sidoo kale waxaa xalay la weeraray fariisin ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin degmada Awdheegle oo katirsan isla Sh-hoose.
Illaa iyo hadda ma aanan helin tafaasiil dheeraad ah oo ku aaddan, khasaaraha ay geysteen weeraradaan xalay lagu qaaday ciidanka Uganda iyo kuwa Dowladda Fedaraalka.