HomeAll newsWiil 2 Sano jir Soomaali ah oo Ku Dhintay Gacanka Ingiriiska ee...

Wiil 2 Sano jir Soomaali ah oo Ku Dhintay Gacanka Ingiriiska ee Yurub.

Wararka ka imaanaya dalka Faransiiska ayaa ku waramaya, in doon siday dad tahriibiyaal ah oo ku safrayay gacanka Ingiriiska ee u dhexeeya Faransiiska iyo Ingiriiska ay cilladowday, dadkii saarnaana ay intooda badan badda ku daateen.

Doonta ayaa iyadoo socdaalkeeda ku jirta waxaa lasoo dersay cillad xaga matoorka ah, ciidamada Faransiiska ayaana sheegay iney soo badbaadiyeen 15 ruux oo kamid ah ugu yaraan 90 ruux oo saarnaa doonta.

Dadka la xaqiijiyay iney dhinteen waxaa ku jira canug da’ yar oo Soomaali ah, kaasoo da’diisa lagu sheegay labo sano jir, waxaana wiilka yar uu ku dhashey dalka Jarmalka, sida ay sheegeen laamaha ammaanka ee Faransiiskana, waxaa si xoog ah looga soo qaatay ehelkiisa.

Bruno Retailleau oo ah wasiirka arimaha gudaha dalka Faransiiska ayaa sheegay, in waayadii u dambeysay ay soo badaneeyeen kiisaska la xiriira doomaha badda ku qallibma, tanina ay u baahantahay in si adag looga hortago, dadka ka shaqeeya safarrada tahriibka ee sharci darrada ahna ay tahay in gacan adag lagu qabto.

Isla maalinka ay doontan ku cilladowday gudaha badda, waxaa jiray doon kale oo siday ugu yaraan 70 ruux, taasoo iyaduna qalibantay, inta la xaqiijiyayna waxaa ku dhintay saddex ruux, sida ay sheegtay dowladda Faransiiska.

Sanadkan 2024-ka, ugu yaraan 51 ruux oo tahriibiyaal ah oo doonayay iney gaaraan dalka Ingiriiska ayaa ku dhintay, kanaal biyoodka Ingiriiska ee isku xira Faransiiska iyo Biritin, tani ayaa muujineysa halisyada ay dadka tahriibaya oo ay Soomaalidu kamid tahay u bareerayaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular