HomeAll newsWiil uu Dhalay Sheekh Usaama Bin Laadin oo Laga Musaafuriyay Faransiiska.

Wiil uu Dhalay Sheekh Usaama Bin Laadin oo Laga Musaafuriyay Faransiiska.

Cumar bin Laadin, oo kamid ah wiilasha uu dhalay Sheekh Usaama bin Laadin, hogaamiyihii iyo aas-aasihii Al-Qaacida, ayaa laga musaafuriyay dalka Faransiiska, oo sanadihii u dambeeyay uu ku noolaa.

Dowladda Faransiiska ayaa qaraar ay soo saartay waxay ku sheegtay, in Cumar bin Laadin laga musaafurinayo dalka Faransiiska, sababo ku aadan isagoo faafiyay falal “dhiirgelin iyo taageero u ah argagaxisada”.

Wasaaradda arimaha gudaha Faransiiska, ayaa sheegtay iney ka shaqeyneyso sidii mar dambe aanu Cumar bin Laadin ugu soo laaban lahayn dalka Faransiiska, halkaas oo uu sanadihii u dambeeyay ku noolaa.

Sanadkii 2021-da oo ku beegneyd toban sano kadib dilkii Sheekh Usaama bin Laadin, ayuu Cumar wuxuu qoraal kooban oo uu soo dhigay barta X ku yiri ” Taariikhda waxaa lagu qoraa dhiiga raggan oo kale, waxay tabisaa sheekada shuhadadan taariikhda sameeyay, umadana dhisay, sharafna usoo jiiday, dhiigooda wuxuu badbaado u yahay Iimaankeenna illaa Qiyaamaha”.

Cumar bin Laadin, ayaa kamid ah wiilasha uu dhalay sheekh Usaama bin Laadin ee xilligan nool, waxaana sanadihii u dambeeyay uu ku noolaa dalka Faransiiska, waraysi dheer oo uu bixiyayna wuxuu kaga sheekeeyay taariikhda aabihii iyo xusuusihiisa maalmihii uu la joogay Suudaan iyo Afqaanistaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular