Maamulka kudhaqanka Shareecada Islaamka ee gobolka Mudug, ayaa qaaday olole ballaaran oo socday muda lix bilood ah, kaasoo dadka lagu barayay Diinta Islaamka.
Qeybaha kala duwan dadka kunool deegaannada gobolka Mudug ee ka baxsan gacanta Dowladda Federaalka, ayaa ka faa’ideystay dowraatkan, waxaana si gaar ah xamlada uga socotay deegaannadii dhawaan laga saaray ciidamada Dowladda Federaalka.
Munaasabad lagu soo gebegebeynayay xamladan dacwiga ah, ayaa ka dhacday magaalada Cammaara ee wilaayada Islaamiga Mudug.