Xamse Cabdi Barre oo ah ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Dowladda Federaalka, ayaa sheegay in dowladiisu aanay ahayn dowladdii la rabay, islamarkaana gaarsiisaneyn booskii laga doonayay, isagoo ku tilmaamay dowlad qufaceysa oo xanuunsan.
Wuxuu sidoo kale sheegay in askariga Dowladda Federaalka ee aflgaadeynaya bulshada, dhaqan xumana la imaanayo, ay ka dhigantahay in dowladuna ay dhaqanxuntahay, maadaama isagu ka tarjumayo Dowladda Federaalka.
Warkan ayaa imaanaya, iyadoo Xasan Sheekh Maxmuud iyo Xamsa Cabdi Barre, ay labo sano kahor tilmaamayaan in wax weliba oo laga rabo dowladnimada ay qaban doonaan.