Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxmuud iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa maalintii shalay u kicitmay dalka Uganda oo qeyb ka ah dalalka duullaanka milliteri kusoo qaaday wadanka Soomaaliya, qeybtana ka ah waxa loogu yeero howlgalka ATMIS.
Xasan Sheekh Maxmuud, ayaan soo dhaweyn diiran kala kulmin dowladda Uganda, waxaana isaga iyo wafdigiisaba garoonka diyaaradaha ee Kampla kusoo dhaweeyey xubno katirsan dowladda Uganda, iyadoo aanu Yuweri Museveni kasoo dhaqaaqin madaxtooyadiisa.
War kasoo baxay Villa Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Xasan Sheekh Maxmuud iyo wafdigiisa ay dowladda Uganda kala hadli doonaan, arimo la xiriira duullaankooda Soomaaliya, iyo sidii labada dhinac ay isaga kaashan lahaayeen arimaha amniga, maadaama xaalad kala guur ah uu geli doono duullaanka Shisheeyaha ee loogu yeero ATMIS.
Warka kasoo baxay Villa Soomaaliya, waxaa lagu sheegay in Xasan Sheekh Maxmuud maalmaha soo socda uu booqasho ku mari doono dalalka ay cidiamada ka joogaan dalka Soomaaliya, taasoo u muuqato walaac amni oo lasoo dersay Xasan Sheekh Maxmuud iyo dowladiisa, isagoo ka baqaya in isbedelka lagu sameynayo duullaanka Shisheeyaha ay ka faa’ideysato Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Khubarada amniga ka faallooda ee gobolka iyo caalamkaba, ayaa marar badan oo hore waxay sheegeen in isbedelka lagu sameynayo duullaanka Shisheeyaha ee Soomaaliya uu abuuri doono firaaq amni, oo ay buuxin doonto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, oo ah jamaaco Jihaadi ah oo Soomaaliya ka difaaceysa duullaanka Shisheeyaha.
Marka la gaaro sanadka cusub ee 2025-ka, ayaa lagu wadaa in la bedelo magaca duullaanka Shisheeyaha ee ATMIS, oo loo bedelo AUSSOM, waxaana ciidamada Shisheeyaha xoogooda ay ku ekaan doonaan sugidda amniga xarumaha Dowladda Federaalka ee magaalooyinka waaweyn, sida Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Jowhar.