Xildhibaan katirsan Dowladda Fedaraalka oo ay xaalad caafimaad lasoo darastay ayaa loo qaaday dalka Kenya.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya laga dajiyay, Xildhibaan Jacfar oo kamid ah Baarlamaaanka Dowladda Fedaraalka oo ay xaalad caafimaad lasoo darastay.
Xildhibaanka ayaa muddo 3 maalmood ah oo uu ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho kadib waxaa loola cararay dalka Kenya, si halkaasi loogula tacaalo xaaladdiisa caafimaad.
Isbitaalka Digfeer oo uu ku jiray ayay dhaqaatiirtu sheegeen in xaaladdiisu ay culus tahay, islamarkaana aan waxba looga qaban karin dalka gudahiisa.
Wararka qaar ayaa sheegaya in la sumeeyay xildhibaankaan, ila wareedyo laga soo xigtay dhaqaatiirka isbitaalka ayaana tilmaamay in jirkiisa laga helay maado sun ah, loogana badan yahay dhanka caloosha.