Xillibaan Cabdi Rashiid Jiley oo katirsan baarlamaanka Dowladda Federaalka, ayaa sheegay in dalka Soomaaliya intiisa badan ay maamusho Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabab.
Wuxuu sheegay in deegaannada ay kajiraan maamullada Koonfur galbeed, Jubbaland ay si buuxda u maamusho Al-Shabaab, halka Hir Shabeelle qeybo badan oo kamid ahna ay gacanta ku heyso Al-Shabaab.
Arintan ayuu sheegay mar uu ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay in Soomaaliya ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah.