Xillibaanno katirsan baarlamaanka Kenya, lagana soo doorto dhulka SOomaaliyeed ee ay Kenya gumeysiga ku heysato, ayaa sheegay in dhulkaasi aanu ka jirin wax horumar ah, dalka Kenya intiisa kalena uu ka haray.
Xillibaannadan oo kulan ku yeeshey magaalada Mombasa ee wadanka Kenya, ayaa sheegay in adeegyada aasaasiga ah ee bulshada ay hoos u dheceen, marka laga hadlayo dhulka NFD, arinkaasina ay tahay in dowladda Kenya wax ka qabato.