Kooxo hubeysan ayaa dalka Muzambiig waxay ku dileen labo ruux oo kamid ah mucaaradka dalkaas, iyadoo la qorsheynayo in maalinta berri oo Isniin ah ay dalka ka dhacaan banaanbaxyo looga soo horjeedo natiijada doorashooyinka wadanka.
Ragga mucaaradka katirsan ee la dilay waxay kala yihiin abuukaate iyo xubin katirsan xisbiga mucaaradka ee Boodimoos, waxaana lagu dilay magaalada caasimadda ah ee Mabutu.
Labada nin ee la dilay oo watay gaari nooca raaxada ah, ayaa waxaa in muda ah erynayay kooxo hubeysan oo iyaguna watay gaari nooca raaxada ah, waxaana ugu dambyentii ay ku guuleysteen iney soo gaaraan, rasaasna ooda uga qaadaan, taasoo dhalisay in markiiba ay goobta ku quur baxaan.
Koox korjoogteysa doorashooyinka dalka Muzambiig oo madax banaan, ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in weerarka uu ka dhacay xaafadda Bayro-Dakoob ee magaalada caasimadda ah.
Ragga la dilay waxaa lagu kala magacaabaa Ilfiino Diyaas iyo Bawlo Juwaambi, waxaana waxaana muuqaallo lasoo dhigay Internetka ay muujinayaan meydadka labada nin oo midkood dhulka yaalo, halka kan kalena uu gaariga lagu beegsaday ku dhex jiro.
Dilka labadan nin ee mucaaradka ah ayaa kusoo aadaya iyadoo lagu wado in dhawaan la iclaamiyo natiijada doorashooyinkii dhacay sagaalka October, taasoo ay mucaaradku sheegeen in isdabamarin badan lagu sameeyay.
Dalka Muzambiig oo dhaca koonfurta qaaradda Afrika, ayaa marti gelinaya qulqulatooyin siyaasadeed oo ka dhashey xisbiga talada haya oo aan ogoleyn inuu xilka ka dego, kaasoo xilka madaxtnimada haya mud adhan 49 sano.