Weeraro sedax ah oo dhacay maalintii shalay ayey kooxda Xuuthiyiintu la beegsadeen 2 markab oo marayay badda Cas badweynta Hindiya iyo Baxrul-Carab.
War kasoo baxay kooxda Xuuthiyiinta ayaa lagu sheegay iney Weeraradan u adeegsadeen gantaallo dhulka laga tuuray iyo duqeyn diyaaradeed.
Maraakiibta ay beegsadeen kooxda Xuuthiyiina ayaa dhamaantood laga leeyahay dalka Ingiriiska wuuxna midkood oo waday shidaal marayay badda Cas.
Markabkaasi 8 Gantaal oo Balaastik ah iyo duqeyn diyaaradeed ayey labeegsadeen sida ay sheegeen, waxaana markabka soo gaaray dhaawac culus.
Markabka labaad oo isagana laga leeyahay dalka Ingiriiska waxay xuuthiyiintu weerareen tiro labo jeer ah.
Mar wuxuu marayay badweynta Hindiya halkaasoo ay ku weerareen gantaallada garabaha laga tuuro.
Mar kale ayey weerar labeegsadeen isaga oo socda Baxrul-Carab gaar ahaan meel Waqooyi Bari ka xogta Jaziiradda Suqdra ee katirsan dalka Yaman, waxayna markan la beegsadeen duqeyn ay fulisay diyaarad Drone- ah, taasoo si toos ah ubeegsatay markabka sida lagu sheegay warka kasoo baxay Xuuthiyiinta.
Dowladda Ingiriiska ayaa dhankeeda qirtay jirintaan weeraradan ay ka dambeeyeen kooxda Xuuthiyiinta ee ka ku sugan dalka Yaman.