HomeAll newsYahuudda oo Duqeymo Horleh Ka Fulisay Dalka Lubnaan.

Yahuudda oo Duqeymo Horleh Ka Fulisay Dalka Lubnaan.

Saacadihii lasoo dhaafay maamulka Yahuudda ayaa fuliyay duqeymo badan oo ka dhacay Bariga, bartamaha, Koonfurta iyo Waqooyiga wadanka Lubanaan.

Wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Lubanaan ayaa war ay soo saartay ku sheegtay, in duqeymo ay yahuuddu ka geysteen gobolka Jabalu Lubanaan iyo magaalada Deyr Baallaa Al-Batroon ee ku taalla mandiqadda Waqooyi ee wadankaasi lagu dilay 15 Ruux, halka ay ku dhaawacmeen tobanaan kale.

Bariga Lubnaan waxay Yahuuddu duqeymo diyaaradeed la beegsadeen magaalooyin dhowr ah oo katirsan gobollada Baclabak iyo Al-Biqaac.

Dhinaca kale, ururka Shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullaah, ayaa sheegay inuu ku dhawaad 50 gentaal ku weeraray degaannada ay yahuuddu xoogga ku heysto ee dhaca Waqooyiga Falastiin.

Duqeymahan laga soo tuuray Lubnaan ayaa meelaha ay ku dhaceen waxaa kamid ah Xeyfa, halkaasi oo uu ururka Shiiciga ah sheegay inuu la helay bartilmaameedyo dhowr ah oo ku yaalla, islamarkaana ay leeyihiin yahuudda, waxanaa kamid ah meelaha uu sheegay inuu gentaalladala helay, Wershad qaraxyada sameysa oo ay leeyihiin Yahuudda.

Magaalada Xeyfa ayaa muuqaal laga soo duubay waxaa lagu arkayaa iyadoo ay kusoo hoobanayaan dhinac kamid ah magaalada, gentaallada uu soo tuuray ururka Shiiciga ah.

Saldhigyo ay Yahuuddu ku leeyihiin magaalada Dhabriya iyo Buuraha Al-Jowlaan ay ee ay xoogga ku heystaan Yahuudda, ayaa sido kale kamid ah meelaha la bartilmaameedsaday.

Dhanka kale Yahuudda ayaa qirtay weerarkan uga yimid dhanka Lubnaan, hase ahaatee waxay sheegeen iney ka hortageen gentaallada qaar sid ay lagu sheegay war ay faafiyeen ciidanka Yahuudda.

Maamulka Yahuudda, ayaa tan iyo intii uu faraha la galay dagaalka uu kaga jiro wadanka Lubanaan, wuxuu la kulmay khasaarooyin lixaadleh oo dhinacyo badan kasoo gaaray.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular